Kusoo Dhawaaw Wasaaradda qorsheynta Maalgashiga Horumarinta Dhaqaalaha KGS

Waaxda Isgaarsiinta

Waaxda Isgaarsiinta waxay mas’uul ka tahay dajinta, fulinta, iyo kormeerista siyaasadaha iyo sharciyada la xiriira isgaarsiinta. Waxaa mas’uuliyaadka waaxdan ka mid ah:

  • Horumarinta kaabayaasha isgaarsiinta dalka si loo gaaro horumar dhaqan-dhaqaale

  • Diyaarinta cilmi-baarista lagu horumarinayo isgaarsiinta dalka

  • Qiimeynta siyaasadaha, istaraatiijiyada iyo hab-raacyada isgaarsiinta dalka

  • Horumarinta iyo fududeynta istaraatiijiyada isgaarsiinta iyo teknoolojiyada dalka

  • Hubinta jawi ammaan ah, isla markaana lagu kalsoonaan karo oo ay ku shaqeyso isgaarsiinta dalka.