Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo safar shaqo ku jooga Magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaatay Madaxweynihii hore ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Muqdisho, 20-ka Oktoobar 2026

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo safar shaqo ku jooga Magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaatay Madaxweynihii hore ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee deegaanada Dowladda Koonfur Galbeed, gaar ahaan arrimaha amniga, siyaasadda, nabadeynta, dib-u-heshiisiinta bulshada iyo dib u xureynta degmooyinka ay khawaarijtu qabsadeen

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed iyo Madaxweynihii hore ayaa is-weydaarsaday aragtiyo ku saabsan muhiimadda ay leedahay xoojinta nabadda, midnimada iyo wadajirka bulshada, iyadoo la adkeynayo dadaallada lagu xaqiijinayo xasilloonida siyaasadeed iyo amni ee deegaanada Koonfur Galbeed.

kulanka ayaa lagu muujiyey muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo wada-tashiga iyo iskaashiga siyaasadeed, lana mideeyo dadaallada lagu horumarinayo dowladnimada, dib-u-heshiisiinta iyo nabad ku wada noolaanshaha bulshada.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Aadan Xasan Maxamed (Usaama), Xildhibaan Mukhtaar Maxamed Guuleed oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdinaasir Yuusuf Maxamed.

DHAMAAD