WASIIRKA QORSHEYNTA KOONFUR GALBEED OO FURAY SHIRKA ISKU-DUWIDDA DOWLADDA IYO UNICEF EE DHAMMAADKA SANADKA 2026

Baydhabo, 26-ka Oktoobar 2026

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Abdulkadir Omar Abdullahi Baasto, ayaa furay Shirka Isku-duwidda Dhammaadka Sannadka 2026 ee Dowladda Koonfur Galbeed iyo Hay’adda UNICEF.
Shirka ayaa diiradda lagu saarayaa qiimeynta waxqabadka qorshayaashii shaqo ee sannadka 2026, dib-u-eegista guulaha la gaaray, caqabadaha jiray iyo dejinta mudnaanta qorshayaasha horumarineed ee sannadka 2027.
Kulanka waxaa ka qeybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Mudane Abdi Ali Dogey, wakiillo ka socda Hay’adda UNICEF, madax ka socota wasaaradaha ay khuseyso iyo hay’adaha bulshada rayidka ah ee ka qeyb qaata barnaamijyada horumarinta.
Inta uu shirku socdo, waxaa lagu qiimeynayaa waxqabadka iyo horumarka laga sameeyay dhinacyada caafimaadka iyo nafaqada, biyaha iyo fayadhowrka, waxbarashada, ilaalinta carruurta, ilaalinta bulshada iyo siyaasadaha bulshada.
Sidoo kale, waxaa la falanqeynayaa caqabadaha saameeyay hirgelinta barnaamijyada, iyadoo la isla eegayo fursadaha lagu xoojin karo wada-shaqeynta iyo isku-duwidda Dowladda iyo bahwadaagta horumarinta.
Wasiirka ayaa khudbaddiisa ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay qorsheyn ku saleysan natiijooyin la cabbiri karo, isla-xisaabtan hufan iyo isku-duwid wax ku ool ah oo dhex marta hay’adaha dowladda iyo bahwadaagta horumarinta, si loo xaqiijiyo in qorshayaasha la dejiyo ay horseedaan natiijooyin muuqda oo bulshada waxtar u leh.
Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa ku boorriyay wasaaradaha iyo hay’adaha bahwadaagta ah inay sii xoojiyaan wada-shaqeynta, isla markaana mudnaanta siiyaan qorsheyaal mideysan oo dardargeliya horumarka, kor u qaada tayada adeegyada bulshada, kana qeyb qaata xaqiijinta horumar waara oo ka hirgala guud ahaan Koonfur Galbeed Soomaaliya.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, kala xiriir:
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha
Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya
Email: info@mopied.sw.so
Website: https://mopied.sw.so
Facebook: @Mopied_SWSS