Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta oo Daah-furay Kulanka Rubuc-sanadlaha ah ee Isku-duwidda Mashruuca AARAN ee Baydhabo

Baydhabo, 11 September 2026

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Isxaaq Maxamuud Ganey, ayaa daah-furay kulanka rubuc-sanadlaha ah ee isku-duwidda Mashruuca AARAN, kaas oo lagu qabtay Hoolka Shirarka ee Ruunjinaad, magaalada Baydhabo.

Kulanka waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyey Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya (MoPIED) iyo hay’adda GREDO Somalia, iyadoo ujeeddadu ahayd xoojinta isku-duwidda, wada-shaqaynta iyo la socodka hawlaha Mashruuca AARAN.

Kulanka waxaa ka qayb galay wakiillo ka socday wasaaradaha ay khusayso, maamulka Gobolka Baay iyo Degmada Baydhabo, hay’adaha fulinaya mashruuca oo ay ka mid yihiin GREDO Somalia, IOM Somalia iyo Mandhere Relief and Development Organization (MARDO), Initiative for Relief and Climate Action (IRCA) iyo xubno ka tirsan bulshada ka faa’iidaysata mashruuca.

Intii uu kulanku socday, waxaa lagu soo bandhigay ujeeddooyinka iyo hawlaha Mashruuca AARAN, waxqabadkii ilaa hadda la gaaray, caqabadaha jira iyo xalalka la soo jeediyey. Sidoo kale, kulanku wuxuu fursad u noqday dowladda, hay’adaha fulinaya mashruuca iyo bulshada inay wadaagaan aragtiyo, xog iyo talooyin la xiriira hirgelinta mashruuca.

Wada-hadallada ayaa xoogga lagu saaray muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga u dhexeeya hay’adaha dowladda, hay’adaha fulinta iyo bulshada, si loo hagaajiyo isku-duwidda hawlaha, loo xoojiyo isla-xisaabtanka, loona hubiyo in waxqabadka mashruucu la jaanqaado baahiyaha bulshada ka faa’iidaysanaysa.

Ugu dambayn, ka qaybgalayaashu waxay isla garteen muhiimadda ay leedahay sii xoojinta wada-shaqaynta iyo xog-is-weydaarsiga, iyo in si joogto ah loola socdo hawlaha mashruuca iyo horumarka laga gaarayo, si loo xaqiijiyo natiijooyin wax-ku-ool ah oo waara, kuwaas oo wax ku biirinaya horumarinta iyo wanaajinta nolosha bulshada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha (MoPIED)
Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya
Xiriirka:
Email: info@mopied.sw.so
Website: https://mopied.sw.so
Facebook: @Mopied_SWSS