AGAASIMAHA GUUD EE WASAARADDA QORSHEYNTA OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GUDDIGA FARSAMADA XALKA WAARA EE KGS
Baydhabo, 24-ka Oktoobar 2026
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Abdi ALi Dogey, ayaa guddoomiyey Shirka saddex-biloodlaha ah ee Guddiga Farsamada Xalka Waara, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta qorsheyaasha iyo isku-duwidda barnaamijyada horumarinta bulshada.
Shirka waxaa sidoo kale ka qaybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta, Mudane Abdiaziz Abdirahman Mohamed, iyo Agaasimaha Waaxda Xalka Waara ee Wasaaradda Qorsheynta, Marwo Habiibo Abdirahman Sheikh.
Intii uu shirku socday, waxaa lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan Wadiiqooyinka Xalka Waara ee Dowladda Koonfur Galbeed, iyadoo laga hadlay horumarinta hirgelinta qorsheyaasha Xalka Waara iyo xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha iyo dhinacyada ay khuseyso.
Shirka waxaa ka qaybgalay wakiillo ka socday wasaaradaha kala duwan ee Dowladda Koonfur Galbeed, maamullada degmooyinka iyo hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah, oo ay ka mid yihiin IOM, UNDP, NRC iyo Concern Worldwide.
Kulankan saddex-biloodlaha ah ayaa muhiim u ah xoojinta isku-duwidda dadaallada Xalka Waara, si loo horumariyo adeegyada bulshada loona taageero xal waara oo loo helo dadka ay saameeyeen barakaca iyo dhibaatooyinka bani’aadannimo.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha
Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya
Email: info@mopied.sw.so
Website: https://mopied.sw.so
Facebook: @Mopied_SWSS










