WASIIRKA WASAARADDA QORSHEYNTA DKGS OO KULAN LA QAATAY MADAXDA UNICEF IYO FAO

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cumar Cabdullaahi (Baasto), ayaa maanta kulan la qaatay madaxda Hay’adaha UNICEF iyo FAO, iyadoo ay kulanka ka qayb galeen qaar ka mid ah Wasiirrada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga, dardargelinta mashaariicda horumarinta iyo howlaha samafalka, iyo sidii loo sii adkeyn lahaa wada-shaqeynta u dhexeysa Dowladda Koonfur Galbeed iyo hay’adaha Qaramada Midoobay.

‘’𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃’’
Wixii Faafaahin ah kala xariir Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha DKGS.
Email: info@mopied.sw.so
Website:https://mopied.sw.so/home/
Facebook: https://www.facebook.com/
@Mopied_SWSS