Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed oo Madaxtooyada ku qaabilay Wafdi ka socday Plan International
Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta aqalka Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ay hoggaaminaysay Marwo Reena Ghelani, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Plan International, oo maanta soo gaartay magaalada Baydhabo.
Kulanka waxaa Madaxweynaha ku wehliyey qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada, oo uu hoggaaminayey Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, H.E. Mudane Cabdulqaadir Cumar Cabdullaahi.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta Dowladda Koonfur Galbeed iyo Plan International, gaar ahaan dhinacyada horumarinta bulshada, adeegyada aasaasiga ah, iyo taageerada mashaariicda horumarineed ee ka socda Koonfur Galbeed.
