WASIIRKA QORSHEYNTA DKGS OO KA QEYB GALAY SHIRKA SIYAASADDA QARANKA EE GARGAARKA
Muqdisho-Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Abduqadir Omar Abdullahi (Baasto), oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Abdi ALi Dogey ayaa maanta ka qeyb galay shir looga hadlayay Siyaasadda Qaranka ee Gargaarka (National Aid Policy).
Shirka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta isku-duwidda gargaarka, horumarinta wada-shaqeynta Dowladda iyo bah-wadaagta horumarinta, hufnaanta iyo isla-xisaabtanka gargaarka, iyo sidii taageerada loo gaarsiin lahaa bulshada iyadoo lagu saleynayo baahiyaha dhabta ah ee dalka.
Wasiirka iyo Agaasimaha Guud waxaa kulanka ku wehliyay qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda, kuwaas oo si firfircoon uga qeyb qaatay doodaha iyo wadatashiyada ku saabsan siyaasadda gargaarka qaranka.
Ka qeybgalka Dowladda Koonfur Galbeed ee shirka ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo doorka Dowlad Goboleedyada ee qorsheynta, isku-duwidda iyo hirgelinta siyaasadaha horumarineed ee dalka.
Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha DKGS waxay ka go’an tahay xoojinta wada-shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo bah-wadaagta horumarinta, si gargaarka iyo mashaariicda horumarineed ay si hufan uga jawaabaan baahiyaha bulshada Soomaaliyeed.
———
‘’𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃’’
Wixii Faafaahin ah kala xariir Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha DKGS.
Email: info@mopied.sw.so
Website:https://mopied.sw.so
Facebook: https://www.facebook.com/
@Mopied_SWSS



