HOGGAAMIYAHA DOWLADDA KOONFUR GALBEED AYAA KA QEYBGALAY MUNAASABADA DIB-U-DAAHFURKA QORSHAHA ISBEDELKA DOWLADDA KOONFUR GALBEED (2026-2031)

Baydhabo – 9 Sebtembar 2026

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka qeybgalay Munaasabadda Dib-u-Daahfurka Qorshaha Isbeddelka Dowladda Koonfur Galbeed ee dib loo eegay (STP 2026–2031).

Munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay Qorshaha Isbeddelka Dowladda Koonfur Galbeed oo dib-u-eegis lagu sameeyay, kaas oo qeexaya jihada iyo mudnaanta dowladda ee shanta sano ee soo socota, iyadoo xoogga la saarayo horumarinta adeegyada bulshada, kobcinta dhaqaalaha, xoojinta hay’adaha dowladda, iyo dardargelinta mashaariicda horumarineed.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sheegay in qorshaha STP 2026–2031 uu yahay hannaan muhiim u ah xaqiijinta himilooyinka Dowladda iyo in la helo horumar waara oo ka jawaaba baahiyaha shacabka Koonfur Galbeed.

Waxa uu xusay Hogaamiyaha muhiimadda ay leedahay in qorshayaasha horumarineed lagu saleeyo baahiyaha dhabta ah ee bulshada, isla markaana la xoojiyo wada-shaqeynta dowladda, bulshada rayidka ah, hay’adaha Qaramada Midoobay, bah-wadaagta horumarinta iyo dhammaan dhinacyada ay khuseyso hirgelinta qorshaha.

Qorshaha STP 2026–2031 ayaa sidoo kale muhiimad siinaya xoojinta hay’adaha dowladda iyo maamulka wanaagsan, horumarinta waxbarashada iyo caafimaadka, kobcinta fursadaha dhaqaale iyo shaqo-abuurka, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo xoojinta adkeysiga bulshada si looga jawaabo caqabadaha bani’aadannimo iyo kuwa cimilada.

Munaasabada oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Qorshaynta Dowladda Koonfur Galbeed ayaa waxaa ka qeybgalay xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, xildhibaano, Agaasimaha Madaxtooyada, Gudoomiyaha Gobolka Baay, kan Degmada Baydhabo, lataliyaasha Madaxweynaha iyo mas’uuliyiin kale.

Hoggaamiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa saxiixay Qorshaha Isbedelka Koonfur Galbeed 2026-2031.

——————
‘’𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃’’
Wixii Faafaahin ah kala xariir Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha DKGS.
Email: info@mopied.sw.so
Website:https://mopied.sw.so
Facebook: https://www.facebook.com/
@Mopied_SWSS