Wasiiro ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed oo Nairobi Kulan Muhiim ah kula Yeeshay IOM, Loogana Hadlay Sugidda Amniga Biyaha iyo Hirgelinta Mashruuca Baidoa Multipurpose Dam & Strategic Water Security Reservoir
Nairobi, 18 September 2026
Wasiirka Wasaaradda Qorsheenta iyo Maalgashiga Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Abdulkadir Omar Abdulaahi (Baasto), oo ay Wehlinayaan Wasiirada Wasaaradaha Tamarta Iyo Biyaha , Mudane Maxamed Xassan Idiriss ganey, iyo Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka, Mudane Abdinasir Abdi Aruush, ayaa ka qeyb galeen kulan hal maalin ah oo lagu qabtay xarunta IOM ee magaalada Nairobi, kaas oo looga hadlay Hindisaha Baidoa Multipurpose Dam & Strategic Water Security Reservoir. Kulanka oo ay gogosha fidisay IOM, waxaa ka qeyb galay World Bank , African Development Bank (AFDB) Iyo wakiillo ka socday Safaaradaha Denmark, Sweden, France, Germany iyo iyo Hay’adda FCDO .
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda amniga biyaha u leeyahay adkeysiga bulshada iyo horumarka mustaqbalka ee Baydhabo, iyadoo Dowladda Koonfur Galbeed iyo bah-wadaagta caalamiga ah ay ka wada hadleen xalal waara oo wax looga qabanayo baahida sii kordheysa ee biyaha iyo khataraha ka dhasha isbeddelka cimilada, Kulankani wuxuu qeyb ka ahaa dadaallada iyo kulamada ay Wasaarada Tamarta ay dhawaanahan ka waday magaalada Nairobi, kuwaas oo lagu raadinayo taageero, maalgelin iyo iskaashi horumarineed oo lagu hirgeliyo mashruucan istiraatiijiga ah.
Intii uu kulanku socday, IOM waxay soo bandhigtay Visibility Study ay ka sameysay mashruuca, waxaana si faahfaahsan looga wada hadlay faa’iidooyinka uu mashruucu u leeyahay bulshada Koonfur Galbeed, gaar ahaan sugidda amniga biyaha, kaydinta biyaha, waraabka iyo xoojinta adkeysiga bulshada, Wasiirka Qorsheynta Mudane Abdikadir omar (Baasto) ayaa dhankiisa sheegey mashruucan in uu Faa’ido weyn uu u leeyahay Dadka Dega Deeganada Koonfur Galbeed, Dowlada Koonfur Galbeedna ay Muhiimad gooni ah ay siineyso Hirgelintiisa,
Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay muddada lagu fulin karo mashruuca, kharashka ku baxaya iyo qorshaha farsamo ee loo marayo dhammaystirka mashruuca, iyadoo la isla eegay fursadaha iskaashi iyo maalgelin ee lagu xaqiijin karo hirgelintiisa.
Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka, Mudane Abdinasir Abdi Aruush, ayaa xusay in mashruucani muhiim u yahay xoojinta u-diyaargarowga, adkeysiga bulshada iyo helitaanka xalal waara, gaar ahaan marka la eego saameynta abaaraha iyo isbeddelka cimilada. Ugu dambeyn, Dowladda Koonfur Galbeed waxay IOM uga mahadcelisay gogosha ay fidisay iyo fududeynta wada tashigan, iyadoo adkaysay muhiimadda sii xoojinta wada-shaqeynta Dowladda, IOM, World Bank, African Development Bank iyo bah wadaagta horumarineed, si loo xaqiijiyo hirgelinta Baidoa Multipurpose Dam & Strategic Water Security Reservoir.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, kala xiriir:
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha
Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya
Email: info@mopied.sw.so
Website: https://mopied.sw.so
Facebook: @Mopied_SWSS




