WASIIRKA WASAARADDA QORSHEYNTA, MAALGASHIGA IYO HORUMARINTA DHAQAALAHA OO BOOQASHO SHAQO KU TAGAY XARUNTA DOWLADDA HOOSE EE BAYDHABO

Baydhabo, 25-ka Oktoobar 2026

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdikaadir Cumar Cabdullaahi Baasto, ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay xarunta Dowladda Hoose ee degmada Baydhabo.
Wasiirka ayaa kulan la yeeshay Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada, Mudane Ibraahim Maxamed Nuur Kalay, iyo madaxda hay’adaha kala duwan ee ka howlgala magaalada.
Kulanka ayaa looga hadlay dardargelinta mashaariicda horumarineed, xoojinta wada shaqeynta Wasaaradda, maamulka degmada iyo hay’adaha kala duwan, iyo horumarinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.
Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay isku-dubbaridka qorshayaasha horumarineed iyo maalgashiga, si loo xaqiijiyo in mashaariicdu ay ku saleysnaadaan baahiyaha dhabta ah ee bulshada, isla markaana ay gacan ka geystaan horumar waara.
Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada Wasaaradda ee lagu xoojinayo qorsheynta iyo maalgashiga, laguna horumarinayo wada shaqeynta hay’adaha dowladda si loo dardargeliyo horumarka iyo adeegyada bulshada ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, kala xiriir:
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha
Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya
Email: info@mopied.sw.so
Website: https://mopied.sw.so
Facebook: @Mopied_SWSS