AGAASIMAHA GUUD EE WASAARADDA QORSHEYNTA DKGS OO KA QEYB GALAY KULANKA DIYAAR-GAROWGA IYO KA JAWAABIDDA SAAMAYNTA EL-NIÑO
Baydhabo, 4 October 2026
Baydhabo, Soomaaliya – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Abdi Ali Dogey ayaa maanta ka qayb galay kulan ay yeesheen Guddiga Heer Wasiir ee Diyaar-garowga iyo Ka Jawaabidda Saamaynta El-Niño ee Dowladda Koonfur Galbeed.
Kulanka waxaa sidoo kale ka soo qayb galay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed, Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka ah ee Koonfur Galbeed, iyo Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda Koonfur Galbeed.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta diyaar-garowga hay’adaha Dowladda ee ku aaddan saameynta roobabka El-Niño, iyo sidii loo dardargelin lahaa qorshayaasha ka hortagga iyo ka jawaabidda xaaladaha ka dhalan kara roobabka xooggan iyo fatahaadaha, iyo saameynta ay ku yeelan karaan bulshada ku nool deegaannada Koonfur Galbeed.
Guddiga Heer Wasiir ayaa Agaasimayaasha Guud la wadaagay muhiimadda ay leedahay in dhammaan Wasaaradaha iyo hay’adaha Dowladda ay si dhow uga wada shaqeeyaan qorshaha diyaar-garowga, iyadoo la xoojinayo isku-duwidda, xog-is-weydaarsiga iyo awoodda Dowladda ee wax-ka-qabashada xaaladaha degdegga ah.
Sidoo kale, kulanka waxaa lagu adkeeyay in Wasaarad kasta ay si buuxda uga qayb qaadato diyaar-garowga iyo hirgelinta qorshayaasha loogu talagalay badbaadinta shacabka, ilaalinta adeegyada muhiimka ah iyo yareynta saameynta xaaladaha cimiladu ku yeelan karaan bulshada.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah kala xiriir:
Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha
Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya
Email:info@mopied.sw.so
Website:mopied.sw.so
Facebook:@Mopied_SWSS










