WASAARADDA QORSHAYNTA DKGS OO BAYDHABO KU QABATAY SHIR HEER SARE AH OO LOOGA HADLAY XOOJINTA ISKU-DUWIDDA AY DOWLADDU HOGGAAMINAYSO
Baydhabo, 30 Sebtembar 2026
Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta magaalada Baydhabo ku qabatay Shir Heer Sare ah oo Isku-duwidda, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta hoggaaminta Dowladda ee isku-duwidda iyo wada-shaqeynta hay’adaha Dowladda iyo bah-wadaagta horumarinta iyo bani’aadantinimada.
Shirka ayaa waxaa ka qeybgalay hay’adaha Dowladda Koonfur Galbeed, Dowladda Federaalka Soomaaliya, SoDMA, bah-wadaagta horumarinta iyo bani’aadantinimada, iyo maamullada gobollada iyo degmooyinka.
Kulanka waxaa xoogga lagu saaray xoojinta Isku-Duwidda ay Dowladdu Hoggaaminayso, waafajinta barnaamijyada iyo mashaariicda Qorshaha Isbeddelka Koonfur Galbeed (STP), iyo xoojinta diyaar-garowga iyo tallaabooyinka hore ee la xiriira xaaladaha El Niño, barakaca iyo gurmadka degdegga ah.
Ka-qaybgalayaashu waxay sidoo kale isla garteen muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wadaagista xogta, magacaabista goobo-xiriirro hay’adeed, isku-duwidda wax-ka-qabashada xaaladaha degdegga ah, abaabulka kheyraadka, iyo in la sameeyo kulamo joogto ah oo lagu dabagalo fulinta qodobadii lagu heshiiyay.
Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa dib u xaqiijisay doorkeeda hoggaamineed ee isku-duwidda, iyadoo ka shaqeynaysa in taageerada horumarineed iyo bani’aadantinimo ay si wanaagsan ugu waafaqdo mudnaanta iyo qorshayaasha Dowladda Koonfur Galbeed.
Wixii faahfaahin ah, kala xiriir:
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha
Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya
Email: info@mopied.sw.so
Website: https://mopied.sw.so
Facebook: @Mopied_SWSS




