WASAARADDA QORSHAYNTA DKGS OO BAYDHABO KU QABATAY SHIR KU SAABSAN XOOJINTA ISKAASHIGA DOWLADDA IYO GANACSIGA GAARKA LOO LEEYAHAY.
Baydhabo, 21 Sebtembar 2026
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Abduqadir Omar Abdullahi (Baasto) ayaa maanta magaalada Baydhabo ka furay kulan looga hadlayay xoojinta iskaashiga Dowladda iyo ganacsatada iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay, gaar ahaan horumarinta iskaashiyada u dhexeeya Iskaashiga Dawladda iyo Ganacsiga Gaarka loo Leeyahay (PPPs)
Kulanka oo ka dhacaya Hoolka Shirarka ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa diiradda lagu saarayaa sidii loo abuuri lahaa jawi dhiirrigeliya maalgashiga, isla markaana fududeeya iskaashi wax-ku-ool ah oo dhex mara Dowladda iyo ganacsatada iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay.
Wasiirka ayaa furitaanka kulanka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-shaqeynta Dowladda iyo ganacsatada, lana abuuro hannaan fursado cusub loogu siinayo ganacsiga gaarka loo leeyahay inuu ka qeyb qaato horumarinta dhaqaalaha iyo maalgashiga Koonfur Galbeed.
Kulanka oo soconaya muddo 3 beri ah ayaa sidoo kale lagu wadaagayaa aqoon iyo khibrad farsamo, iyadoo ka-qaybgalayaashu ay ka wada tashanayaan fursadaha, caqabadaha iyo hababka lagu horumarin karo iskaashiga Dowladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay.
Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa xoogga saaraysa xoojinta qorsheynta, maalgashiga iyo wada-shaqeynta ganacsatada iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay, si loo abuuro fursado dhaqaale iyo horumarineed oo waara, kana faa’iideysta bulshada Koonfur Galbeed.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, kala xiriir:
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha
Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya
Email: info@mopied.sw.so
Website: https://mopied.sw.so
Facebook: @Mopied_SWSS





