WASIIRKA WASAARADDA QORSHEYNTA DKGS OO KULAN LA YEESHAY HAY’ADAHA KU MIDOWDAY AARAN CONSORTIUM

Baydhabo, 8 September 2026

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, H.E. Mudane Abdikadir Omar Abdullahi (Baasto), oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Abdi ALi Dogey ayaa kulan la yeeshay hay’adaha ku midoobay AARAN Consortium.

Kulanka oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Qorsheynta ee Baydhabo, waxaa ka qeyb galay wakiillo ka socday hay’adaha kala duwan ee ku mideysan AARAN Consortium, oo ay ka mid yihiin IOM, GREDO, NRC, Concern Worldwide, MARDO, IRCA iyo hay’ado kale.

Wasiir Abdikadie Omar Abdullahi Baasto ayaa kulanka ka hadlay muhiimadda AARAN Consortium iyo saameynta wanaagsan ee mashaariicda ay ka wadaan deegaannada Dowladda Koonfur Galbeed, gaar ahaan dhinacyada horumarinta iyo taageerada bulshada ku nool miyiga iyo magaalooyinka.

Wasiirku wuxuu hay’adaha ku boorriyey in la dardargeliyo howlaha socda, lana xoojiyo isku-duwidda, wada-shaqeynta iyo waafajinta mashaariicda iyo mudnaanta Dowladda Koonfur Galbeed, si loo xaqiijiyo in taageeradu si wax-ku-ool ah u gaarto bulshada loogu talagalay.

Wasiir Baasto ayaa sidoo kale uga mahadceliyey deeq-bixiyeyaasha iyo hay’adaha fulinaya mashaariicda AARAN taageerada ay siiyaan bulshada Koonfur Galbeed, isagoo ku dhiirrigeliyey in la sii xoojiyo iskaashiga iyo dadaallada lagu xaqiijinayo horumar waara iyo adkeysiga bulshada.

Dhankiisa, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Abdi Ali Dogey, ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay isku-duwidda, wada-xiriirka iyo xog-wadaagga joogtada ah ee u dhexeeya Dowladda iyo hay’adaha horumarinta, si loo xaqiijiyo in mashaariicdu si wax-ku-ool ah uga jawaabaan baahiyaha iyo mudnaanta bulshada.

Kulanka ayaa lagu soo gabagabeeyey in la sii xoojiyo wada-shaqeynta Dowladda iyo bah-wadaagta horumarinta, lana dardargeliyo mashaariicda AARAN Consortium si ay u gaaraan bulshada ugu baahan ee ku nool deegaannada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, kala xiriir:
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha
Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya
Email: info@mopied.sw.so
Website: https://mopied.sw.so
Facebook: @Mopied_SWSS