WASIIRKA WASAARADDA QORSHEYNTA DKGS OO DAAHFURAY KULANKA DHAMMEYSTIRKA QORSHAHA U DIYAAR-GAROWGA ROOBAABKA EL-NIÑO
Baydhabo – Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cumar Cabdullaahi (Baasto), ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray kulanka lagu dhammaystirayay Qorshaha U Diyaargarowga Roobabka Xooggan ee xilli-roobaadka El-Niño.
Kulanka waxaa ka qayb galay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka, Wasiirka Wasaaradda Isbeddelka Cimilada, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Intii uu socday kulanka, waxaa diiradda lagu saaray dhammaystirka qorshaha u diyaar-garowga roobabka xooggan iyo fatahaadaha la filayo inay ka dhashaan El-Niño, iyadoo si qoto dheer loo falanqeeyay saameynta ay ku yeelan karaan bulshada, kaabayaasha dhaqaalaha, adeegyada bulshada iyo hab-nololeedka shacabka.
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha dowladda ay yeeshaan qorshe mideysan oo ku saleysan iskaashi, xog sax ah iyo u diyaar-garow hore, si loo yareeyo khataraha ka dhalan kara masiibooyinka dabiiciga ah loona ilaaliyo nolosha iyo hantida bulshada.
Qorshahan ayaa la filayaa in la soo gabagabeeyo toddobaadka soo socda, iyadoo hoggaanka fulintiisa ay yeelan doonto Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyadoo kaashanaysa dhammaan wasaaradaha iyo hay’adaha ay khusayso.
‘’𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃’’
Wixii Faafaahin ah kala xariir Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha DKGS.
Email: info@mopied.sw.so
Website:https://mopied.sw.so/home/
Facebook: https://www.facebook.com/
@Mopied_SWSS

