Strategic Plan Social Sector Priorities Orientation Workshop for Ministries and CSO

Maanta oo ay taariikhdu tahay 13 July 2022 waxaa Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ka dhacay Kulan Aqoon isweydaarsi loogu hadlaayey Qorshaha Istaraatijiyadeed ee mudnaanta u leh Bulshada oo ay ka soo qeyb galeen Wasaaradaha, ururada Bulshada Rayidka iyo ururada Dhalinyerada Gobolka Bay iyo kan Degmada Baydhabo.

kulankan oo xoogga lugu saaraayey sidii loogu warhayn lahaa maareynta Qorshaha hirgelinta Istaraatiijiyadeedka mudnaanta u leh Bulshada.

Furitaankii kulanka ayaa ka hadlay Ku-simaha Agasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Hrumarinta Dhaqaaha Mudane, Mohamed Yarani Hassan ayaa sheegay in Wasaaradda Qorsheyntu ay ka go’an tahay sidii loo joogtayn lahaa ka warhaynta iyo Maareynta Qorshayaasha Istaraatiijiyadeed ee Mudnaanta u leh Bulshada.

Kulankan oo ay soo qaban qaabisey Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowlad Goboledka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ka soo qeyb galeen Wakiilo ka kala socday Wasaaradaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo ururada Bulshada rayid ayaa la isku waydaarsaday sidii loo dejin lahaa qorshaha Strategiyadda Tiirarka hormarineed ee Arimaha Bulshada iyo kor uqaadistda.

Gunaanadkii; waxaa kulanka ka hadley ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Mudane, Mohamed Yarani Hassan ayaa ugu Mahad celiyey dhammaan wakiiladi ka kala socday Wasaaradaha, qeybaha kala duwan ee Ururuada Bulshada yo sida ay ugula soo qayb galeen Qorshaha loo dejinaayo istiraatiijiyadda Tiirarka hormarineed ee Arimaha Bulshada.